Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha dhalinyarada iyo ciyaaraha gobolka Nugaal oo la magacaabay.

Recommended Posts

Deeq A.   

26993247_1574354225989430_41454684958384Garowe (Puntlandi) Wasiirka shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland, Cabdiraxmaan Sheikh Axmed Cabdulle, ayaa soo saaray wareeegto uu ku ansixinayo Saciid Xasan Cabdi, oo loo magacaabay guddoomiyaha dhalinyarada iyo ciyaaraha gobolka Nugaal.

Saciid Xasan Cabdi, ayaa horey u ahaa guddoomiye ku xigeenkii xiriirka kubada cagta gobolka Nugaal. Waxaa sidoo kale uu door firfircoon ku lahaa isku xirka dhalinyarada iyo isboortiga Puntland.

Guddoomiyaha cusub ee dhalinyarada ayaa buuxindoona booskii uu baneeyay guddoomiyihii hore ee dhalinyarada. Cabdikariin Maxamed Nuur, oo dhawaan dalka dibadiisa waxbarasho u aaday.

Aqriso wareegrada
hhhhhhhhhhhhh-Copy.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this