Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Puntland dhaaftay heerkii dib u heshiisiinta iyo nabadeynta.

Recommended Posts

Deeq A.   

MADAXWEYNAHA.jpg?resize=600%2C400

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed Cabdullahi Maxammed(Farmaajo)ayaa maanta ka warbixiyey safarkii Nabadda iyo Dib u heshiisinta ee uu ku soo maray degaannada Puntland iyo Galmudug.

 

Mudane. Farmaajo ayaa sheegay in Puntland ay dhaaftay heerkii nabadeynta iyo dib u-heshiisiinta,islamarkaana uu ku soo arkay horumar ballaaran iyo mashaariic baaxad weyn,balse dib u-heshiisiinta uu ka soo bilaabay soohdinta u dhexaysa Puntland iyo Galmudug gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo.  Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in degaannada Puntland uu hawl weyn oo dhinaca din u-heshiisiinta ah ka soo qabtay,welina ay socoto dhammaystirka shaqadaasi,sidii ay taabba-gel u noqon lahayd. Dhinaca kale wuxuu sheegay in dhowaan uu magacaabayo guddi ka shaqeeya, dabagalka fulinta mashaariic horumarineed ee uu ka dhagax dhigay deegaannadii uu socdaalka kusoo maray. “Maalmaha soo socda waxaan magacaabayaa guddi dabagal ku sameeya mashaariicdii aan soo ballan qaadey, si aan ula soconno dhaqan galkooda. Dowladda waxaa ka go’an in ay kaalinteeda ka qaadato,”ayuu yiri Farmaajo.

 

Halkaan ka daawo.

 

 

PUNTLANDPOST

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this