Deeq A.

Jaahwareer siyaasadeed kadib, taliyaha ciidanka Puntland oo beeniyey inuu is casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidamada difaaca dowladda Puntland,Sarreeye guud,Siciid Maxammed Xirsi(Siciid Dheere) ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay warar lagu baahiyey baraha bulshada oo sheegaya in xilka iska casilay.

 

Siciid Dheere oo haatan ku sugan jeedda hore Tukaraq ee ay  fadhiyaan ciidamada difaaca Puntland ayaa u sheegay Puntland Post in kuwa wararkaas faafinaya ay doonayan in ay jaah-wareeriyan Shacabka iyo dowladda Puntland ee ka midaysan dagaalka lagu soo celinayo degaannada ka maqan Puntland. Dhinaca kale xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa kacsan,kadib markii Somaliland bilowday uruurinta hubka gaarka loo leeyahay ee shacabka,islamarkaan lagu wargeliyay dhammaan qorileeyda in ay maamulka ku wareejiyan hubka ay haystaan,sida aan xogta ku helnay. Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa weli isku horfadhiya jiidda hore degaanka Tukaraq ee gobolka Sool halkaasoo dhowaan ay la wareegtay Somaliland,waxaana laga cabsi qaba in dagaal ka qarxo degaankaas oo inta badan shacabkii ka bara-kacay.

 

SOURCE: PUNTLAND POST

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.