Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Racfaanka oo maanta dhageysatay Dacwad ka dhan ah C. C/shakuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir ayaa maanta dhageysatay Eedeymaha loo heesto Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warasme oo ay soo diyaariyeen Xeer-ilaalinta Qaranka. Dacwad oogayaasha oo ku balansanaa maanta in ay Maxkamadda Racfaanka hor geeyaan Cadeymo la xariira Dambiyada lagu soo oogay C/raxmaan ayaa la sheegay in ay Maxkamadda tagayn Islamarkaana ay soo gudbiyeen wixii warbixin ah oo ku aadan Kiiskaan. Dhinaca kale C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa maanta ka maqnaa Maxkamadda oo laga sugayay waxa uuna soo dirsaday Qareenkiisa Abukaate Tahliil Xaaji.

 

Maxkamadda ayaa dib u celisay Qareenka C/raxmaan C/shakuur oo ay sheegtay in Abuukaate Tahliil Xaaji uusan wadan Warqad wakiilasho ah oo ka timid eedeysane C/raxmaan C/Shakuur Warsame fasax la’aantiisna uusan Difaaci Karin. Maqnaanshiyaha iyo Wakiilasho la’aanta C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa si rasmi ah loo ogeyn, balse wararka ay baahisay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdischo ayaa sheegaya in uusan ku qanacsaneen arintaan maadaama ay Maxkamadda G/Banaadir hore u sheegtay in aysan Xeer-ilaalinta Qaranka qaadan Karin Racfaan. Arintaan ayaa muujineysa Khilaaf u dhaxeeya Maxkamadaha Gobalka Banaadir maadaama ay hore Maxkamadda G/Banaadir u sheegtay in aan wax racfaan ah laga qaadan Karin Kiiska C/raxmaan oo ay soo afjartay, hadane ay Maxkamadda Racfaanka dib u bilaawday arintaan. Dadka Sharci yaqaanada ah ayaa sheegaya in Maxkamadda G/Banaadir ay ku qaldaneed go’aankii ahaa in Racfaan laga qaadan Karin Dacwadda Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame. Sharci yaqaanada Dalka ayaa sheegaya in Hay’adaha Garsoorka oo markii hore lagu qabin kalsooni buuxda ay hada ku sii milmeyn xiisadda Siyaasadeed ee u dhaxeysa Madaxda Dowladda iyo Siyaasiinta Mucaaradka.

 

Caasimada Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this