Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xildhibaano & Xisbiyo Mucaarad oo Madaxda Qaranka uga digay hal arrin oo lagu dagay CC Shakuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa looga digay in ciidamada Qaranka ay u adeegsato qaabab khaldan oo ku xeeran dano shaqsiyadeed.

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Somalia oo shir ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka digay in Madaxda DFS ay dano Siyaasadeed iyo mid gaar ahaaneyd u adeegsadaan awooda ciidamada.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in Madaxda Qaranka ay uga digayaan in ciidamada amniga ay u adeegsadaan caburinta iyo xariga siyaasiyiinta ka aragti duwan, waxa uuna cadeeyay in mar waliba ay ixtiraam mudan yihiin dhinacyada mucaaradka.

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur, oo sidoo kale ka qeybgalay kulan wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Xisbiyada siyaasadda iyo Madasha Horusocod oo ay ku mideysan yihiin Xildhibaano ayaa sheegay in laga soo gudbay xilligii awood iyo qori caaradii wax lagu raadin jiray.

C/raxmaan C/shakuur ayaa kamid ahaa Shaqsiyaadka Mucaaradka ee loo adeegsaday ciidamada Qaranka kuwaa oo dhaawac iyo burbur hantiyadeed u geystay Hooygiisa, waxa uuna shirku ahaa mid looga tusaala qaadanaayay arrintaas.

The post Daawo: Xildhibaano & Xisbiyo Mucaarad oo Madaxda Qaranka uga digay hal arrin oo lagu dagay CC Shakuur appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this