Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur “Farmaajo iyo Kheyre waxaan maxkamad kula korayaa dalalka ay dhalashada ka haystaan”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarkii dhawaan ka dhacay gurigiisa amarka lagu weeraray ay bixiyeen Ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynahaba. Waxaa uu sheegay in weerarkaas lagu doonayay in isaga lagu dilo, hayeeshee aysan dhicin, islamarkaana uu ka badbaaday. C/raxmaan C/shakauur waxaa uu xusay in Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaarahaba uu ku dacweynayo maxkamadaha waddamada ay dhalashada 2-aad ka heystaan ee ay ka yimaadeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa haysta dhalashada dalka Mareykanka, halka Kheyre uu asna haysto dhalashada dalka Norway. 

 

Dhinaca kale waxaa uu beeniyay warar uu sheegay in la isku aaddiyay oo isaga lagu eedeeynayay in uu sheegay in Muqdisho ay qolo gaar ah leedahay, inkasta oo uu jiro muuqaal arrinntas muujinaya, waxaana uu ku tilmaamay been abuur ay ka dambeeyaan kuwa isaga afduubtay. Xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa amray sida uu qirtay xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Daahir, lamana oga illaa iyo hadda kaalita ay ku lahaayeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

 

Caasimada Online

http://www.caasimada.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this