Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Garowe oo ka hadlay hawlgal lagu soo qabtey 40 dhalinyaro ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha saldhiga dhexe ee magaalada Garowe Dhame Fardafuul Muuse Bille ayaa ka warbixiyay shaqaaqo xalay ka dhacday magaalada ka dib markii xulka Jubaland ku guulaysteen tartankii maamuladda iyo Gobolka Banaadir.

Taliye Fardafuul ayaa sheegay inay soo qabteen ku dhawaad 40 dhalinyaro ah oo lagu eedeynayo inay boob u geysteen xarumo ganacsi oo ku yaala magaalada.

Wuxuu ugu baaqay waalidiinta inay la socdaan dhaq dhaqaaqa iyo rabashadaha ay geysanayaan ubadkooda,Isagoona sheegay in qof kasta uu ka sareeyo sharcigu.

Hawlgalka ciidamada Amaanku xalay ka sameeyeen magaalada Garowe ayaa kusoo beegmaya xilli ay fawdo geysteen qaar ka mid ah dhalinyaradda magaalada.

IMG_0301-2.jpg?resize=1000%2C666IMG_0307-1.jpg?resize=1000%2C666IMG_0308-1.jpg?resize=1000%2C666IMG_0310-1.jpg?resize=1000%2C666IMG_0316-1.jpg?resize=1000%2C666IMG_0317-1.jpg?resize=1000%2C666IMG_0319-1.jpg?resize=1000%2C666IMG_0321-1.jpg?resize=1000%2C666Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Booliska Garowe oo ka hadlay hawlgal lagu soo qabtey 40 dhalinyaro ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this