Deeq A. Posted December 23, 2017 Muqdisho (Caasimada Online) – Tiro madaafiic ah ayaa lagu soo waramayaa iney maanta kusoo dhaceen nawaaxiga xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. Madaafiicdan oo la sheegay iney Hoobiyeyaal ahaayeen ayaa kusoo dhacay agagaarka 15 May iyo sidoo kale Caga-dhiig, kuna dhow madaxtooyada Soomaaliya. Goob jooge ayaa xaqiijiyey in madaafiicda halkaasi kusoo dhacday ay tiro ahaan gaarayeen Saddex, waxaana ay qalqal ku beereen dadka shacabka ah. Weli lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay Hoobiyeyaashan, balse waxay qeyb ka yihiin tiro dhowr jeer oo sidan oo kale madaafiic loogu soo tuuray nawaaxiga Villa Soomaaliya. Dhanka kale, Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin internetka waxay ku sheegteen mas’uuliyadda madaafiicdaasi. Laamaha ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax war ah kama aanay soo saarin madaafiicdan. Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com The post Madaafiic xooggan oo lagu garaacay nawaaxiga Villa Somalia appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites