Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaafiic xooggan oo lagu garaacay nawaaxiga Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Tiro madaafiic ah ayaa lagu soo waramayaa iney maanta kusoo dhaceen nawaaxiga xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Madaafiicdan oo la sheegay iney Hoobiyeyaal ahaayeen ayaa kusoo dhacay agagaarka 15 May iyo sidoo kale Caga-dhiig, kuna dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Goob jooge ayaa xaqiijiyey in madaafiicda halkaasi kusoo dhacday ay tiro ahaan gaarayeen Saddex, waxaana ay qalqal ku beereen  dadka shacabka ah.

Weli lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay Hoobiyeyaashan, balse waxay qeyb ka yihiin tiro dhowr jeer oo sidan oo kale madaafiic loogu soo tuuray nawaaxiga Villa Soomaaliya.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin internetka waxay ku sheegteen mas’uuliyadda madaafiicdaasi.

Laamaha ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax war ah kama aanay soo saarin madaafiicdan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

The post Madaafiic xooggan oo lagu garaacay nawaaxiga Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this