Deeq A. Posted December 23, 2017 Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaarisa ee xarunta woqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhinteen 5 Caruur ah. 5 Caruurta ah ayaa ku dhintay miino ay ku ciyaarayeen oo la qaraxday sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen. Falkaan ayaa ka dhacay deegaanla lagu magacaabo Kanyeri oo u dhow Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya. Booliska Kenya oo goobtaasi gaaray ayaa ku waramaya in miinadaasi ay tahay miino mar hore meesha lagu aasay. Caruurta dhimatay waxaa u weeyn wiil 15-Sano jir ah sida ay sheegeen Booliska. Woqooyi Bari Kenya ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo ay geeysteen Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post 5 Caruur ah oo ku dhimatay Qarax ay ku Ciyaarayeen Gaarisa appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites