Sign in to follow this  
Deeq A.

Minister Xoosh Lands in Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay weheliyaan Wasiirada Dastuurka dowlad Goboleedya dalka iyo guddoomiye ku xigeenka gobola Banaadir,ayaa Maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Wasiirka Dastuurka Puntland iyo mas’uuliyiin ka socday Wasaaraddiisa ayaa wefdiga ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe,waxaana ujeedka wefdigaan ayahay shir weyne ku saabsan Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo Maalinta berri ah ka furmi doona Garoowe. Shirka oo muddo laba maalmood ah socon doona ayaa si gaar ah looga hadlayaa turxaan-bixinta Dastuurka dalka,waxaana ka qaybgalaya dhamaan Wasiirada Dastuurka dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir. Bishii May ee sannadkaan,Wasiirka Dastuurka Soomaaliya iyo Wasiirada Dastuurka dowlad goboleedyada ayaa samaystay madal ay ku midaysan yihiin,kadib shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Madasha ayaa loo as-aasay sidii looga fogaan lahaa khilaaf ku saabsan Dastuurka oo ka dhex abuurma dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada,balse waxaan xilligaas Madasha ku jirin oo haatan ku soo biiray maamulka gobolka Banaadir.

 

IMG_0001.jpg?resize=600%2C400

 

IMG_0018-1.jpg?resize=600%2C400

 

IMG_0027-1.jpg?resize=600%2C400

 

IMG_0034-1.jpg?resize=600%2C400

 

IMG_0037.jpg?resize=600%2C400

 

IMG_0039.jpg?resize=600%2C400

 

IMG_0041.jpg?resize=600%2C400

IMG_0042-1.jpg?resize=600%2C400

 

IMG_0044-1.jpg?resize=600%2C400

 

IMG_0045-1.jpg?resize=600%2C400

 

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this