Sign in to follow this  
Deeq A.

C/raxmaan C/shakuur oo ku dhaawacmay howgal Amni & Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa rasaas caawa saqda dhexe ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay galeen guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ee u dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo howlgal amni loogu diray, balse ay ka ka hor yimaadeen ilaalada siyaasiga.

Wararka ayaa sheegaya inuu C/raxmaan C/shakuur ku dhaawacmay iska hor imaadka, isla markaana ay ciidamadu qabteen, waxaana siyaasiga la wareegay ciidamada NISA oo howlgalka ka fuliyay guriga siyaasiga.

Xaaladda ayaa hadda degan iyadoo aanay jirin wax rasaas ah oo dhaceysa, wuxuuna iska hor imaadku qaatay muddo 10 daqiiqo ah oo rasaas xoog leh laga maqlay agagaarka Garoonka Muqdisho.

Lama oga cidda bixisay amarka lagu soo qabtay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo caawa ku dhaawacmay howgalka ciidamada NISA, waxaase hadda xaaladiisa gacanta ka haya ciidamada, sida aanu ka soo xiganay saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka.

The post C/raxmaan C/shakuur oo ku dhaawacmay howgal Amni & Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this