Sign in to follow this  
Deeq A.

Miisaaniyada dowlada Soomaaliya loo ansixiyay waa mid waafaqsan nidaamka Hay’adda lacagta aduunka (IMF)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Miisaaniyada dowlada Soomaaliya waxaa ansixiyeen Baarlamaanka waana Miisaaniyad waafaqsan nidaamka dhaqaalo oo ay dajiso hay’adda lacagta Adduunka maamusho (IMF).

Bishii May ee sanadkaan ayay dowlada Soomaaliya aqbashay ku shaqeynta xeerarka iyo nidaamka dhaqaale ee IMF adeegsato.

Soomaaliya hadda waxay ku jirtaa 12-kii bilood ee labaad oo ay ku shaqeeneyso nidaamka IMF wax u maamusho dhanka lacagaha iyo dhaqaalaha waxayna midaas albaabka u furtay inay deeqo lacag hesho dowlada xiriiro joogto ahna la sameyso hay’adaha deeqaha lacagaha bixiyaan.

Miisaaniyada $274 million ee dowlada Soomaaliya loo ansixiyay waxaa ku jirto daqli laga rajeenayo in dhaqaalaha gudaha laga helo oo lagu qiyaasay $20-$25 million.

” Miisaaniyadda la ansixiyay waxaa ku jirto nidaam cusub oo lasoo kordhiyay kaasi oo ah iibka, isla shaqeynta dhanka maareynta daqliyada canshuuraadka kasoo xaroodo gaar ahaan dhinaca isgaarsiinta iyo ka saaridda canshuuraha laga dhaafo kuwa shuruucda dajiyaan”.

Sidaas waxaa sheegay Mohammed Elhage kaasi oo hogaamiyo hawsha IMF Soomaaliya ka wado wuxuuna yiri “Arrimaha kor ku xusan waa astaamo aad muhiim ugu ah xasilinta dhaqaalaha Soomaaliya”

Mohammed Elhage xilli uu bishii September soo booqday Soomaaliya wuxuu sheegay inuu ka niyad jabsan yahay hormarka gaabiska ee dowlada wado taasi oo xafiiska la wareegtay bishii Febraayo.

Mohammed Elhage wuxuu yiri “Laga soo bilaabo September ilaa hada waxaan aragnaa dowlada isbadalo dhaqaalo oo adag inay sameeneyso, maamulada hada si hufan ayay hawsha ugu qayb qaadanayaan waxa loo baahan yahay in la fuliyo si adag ayay kaga qayb qaadanayaan”

Miisaaniyada guud waxaa lagu xusay in dowladda $156 million gudaha kasoo saaran doonto halka $118 million daqli deeq ahaan kaga heli doonto hay’adaha caalamiga ah.

Dowlada geeska Afrika ka dhisan waxay kasoo kabaneysaa dagaalo tobonaano sano ay bartanka kaga jirtay, sidoo kalena Al- Shabaab waxay kala kulantaa halis joogto ah.

Miisaaniyadda cusub waxaa weli ragaadinayaan deeq bixiyayaasha caalamka kuwaas oo sanadii hore $1.5 billion ku bixiyeen gargaarka cunada, caafimaadka iyo faya dhoorka.

Dadka u kuur gala dhaqaalaha Soomaaliya waxay aaminsan yihiin in la diyaariyay miisaaniyad quman iyo inay ansixinta baarlamaanka tahay talaabo wanaagsan oo la qaaday.

“Hadii IMF ay soo dhaweesay miisaaniyada cusub dolwada Soomaaliya waxay ka dhigan tahay in dowlada bilaawday abuurista ilo dhaqaale” sidaas waxaa yiri Siyaasi reer Galbeed ah.

“Hadii ay  helaan dhaqaale ay deymaha isaga bixiyaan ama deymaha lagu leeyahay laga qafiifiyo waa arrin kale oo kasii wanaagsan xaaladda dhaqaalena sii qurxin karto”

Dowlada dhexe ee xarunteeda Muqdisho tahay arrimo siyaasadeed oo culeeskeeda leh ayaa heesto waxaaa ka mid ah dhibaatada ka dhex taagan Qatar iyo dowladaha Gulf-ka.

Sida IMF sheegtay Soomaaliya waxaa lagu leeyahay $5.2 billion waxaana xusid mudan inay adeeg dhaqaale ama deymo iska bixin tan iyo dagaalkii sookeeye dalka ka bilaawday 25-sano ka hor.

IMF todobaadkan waxay sheegtay in kobaca dhaqaale Soomaaliya si dhaqsi ah inuu ku noqon doono 2.5% sanada 2018 ayadoo haatan 1.8% yahay kobaca dhaqaalaha.

Marka meel la iska dhigo arrimaha amaanka iyo abaaraha dalka kusoo laab laabto IMF waxay rajeeneysaa kobaca dhaqaale inuu noqon doono 2.5% sanada 2018.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Miisaaniyada dowlada Soomaaliya loo ansixiyay waa mid waafaqsan nidaamka Hay’adda lacagta aduunka (IMF) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this