Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Gorod iyo Madaxweyne Xaaf oo Furay Wadooyin ku Xirmay Dagaaladii Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Taliyaha Ciidamada Milatariga Dowlada Soomaaliya jenaraal Cabdi Weli Jaamac Gorod Ayaa ku guuleeystay in saaka ay furaan wadooyin ku xirmay Dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo.

Labadaan Masuul Ayaa la arkayay iyaga oo qaadaya dhagxaanta iyo Ciida lagu xiray wadooyinka dhexmara gudaha Magaalada Gaal-kacyo kuwaasi oo sababay in ay xirmaan dagaalo halkaasi ka dhacay.

Madaxweyne Xaaf iyo Taliye Gorod ayaa socod ku maraya magaalada Gaal-kacyo iyaga oo u gudbay dhanka Puntland iyaga oo hadda ku sugan woqooyiga magaalada Gaal-kacyo.

Jenaraal Cabdi Weli Jaamac Gorod Taliyaha ciidamada Milatariga dowlada Soomaaliya ayaa dadaal dheeraad ah ku bixinayay sidii xal waaro loo kala dhex dhigi lahaa islamarkaasina loo joojoojin lahaa dagaalada soo laa laabta ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Hoos ka Daawo Sawiro hordhac ah.

9-8.jpg?resize=960%2C7208-14.jpg?resize=960%2C7207-17.jpg?resize=960%2C7206-22.jpg?resize=960%2C7205-29.jpg?resize=960%2C7204-36.jpg?resize=960%2C7203-40.jpg?resize=960%2C7202-42.jpg?resize=960%2C7201-42.jpg?resize=960%2C720

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

 

The post Taliye Gorod iyo Madaxweyne Xaaf oo Furay Wadooyin ku Xirmay Dagaaladii Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this