Sign in to follow this  
Deeq A.

Degmada Jalalaqsi Oo Laga Dhisayo Garoon Diyaaradeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in hadda ay u baahan yihiin ingacanweyn laga siiyo dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada Jalalaqsi, kaasi oo hadda meel dhexe maraya.

Afhayeenka maamulkaasi Maxamed Nuur Cagajoof oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in garoonkan dhismihiisa ay bilaabeen qaar kamid ah ganacsatada gobolka Hiiraan, hadana uu galay dhismihiisa wejigii Labaad, balse loo baahan yahay in dhameystirkiisa gacan weyn laga geysto.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa xaqiijiyey in garoonkaan uu yahay mid cusub, maadaama degmada Jalalaqsi aanay horey u lahayd garoon diyaaradeed.

“Garoonkaan wuu cusub yahay, waxaa bilaabay ganacsato Soomaaaliyeed gaar ahaan kuwo u dhashay Hirshabelle, hadda wejiga Labaad ayuu galay, waxaana loo baahan yahay in gacan weyn laga geysto” ayuu yiri Afhayeenka.

Ugu Dambeyn, Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah iyo dowladda Federaalka Soomaaliya iney gacan ka geystaan dhismaha garoonka degmada Jalalaqsi.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this