Sign in to follow this  
Deeq A.

Diini oo qeyla dhaan kasoo saaray Go’aanka uu Mareykanka ku jaray Saadka lasiiyo ciidamada DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dowlada Maraykanka ayaa joojisay gargaarka cunnada iyo shidaalka ay siin jirtay ciidamada qalabka sida ee Somalia iyaga oo welwel ka muujiyay musuq-maasuq jira.

Go’aanka ay dowlada Mareykanka ku jartay taageerada ay siin jirtay ciidamada dowlada ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay mas’uuliyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Wasaarada difaaca Somalia.

Mas’uuliyiinta ka hadashay go’aankan ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somalia Genaraal C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Generaal Diini, ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay ka dhalankarto haddii ay dowlada Mareykanka kusii adkeysato go’aanka lagu jaray taageerada Saadka ee ciidamada Qalabka Sida.

Diini waxa uu cadeeyay inuu burbur ku imaankaro awooda ciidamada Xooga Somalia, waxa uuna cadeeyay in Somalia aysan xiligaan ka bixi Karin jaritaanka Saadka.

Isagoo ka hadlaayay go’aankaas ayaa waxa uu yiri ‘’Hadii ay qorshahan ku dhaqaaqaan mareykanka waxaa ay saameyn adag ku yeelan doontaa howlgalka ay wadaan ciidamada xoogga dalka ee ku aadan al-Shabaab”.

Diini waxa uu intaa raaciyay ‘’Waxaa laga doonayaa Mareykanka in waxa hadal uu ku xaliyo tabashooyinka jira maaha inuu ku xanuunjiyo dowlada inuu jaranaayo saadka ciidanka’’

Diini waxa uu sidoo kale ku baaqay inaan lagu dagdagin haddii ay xaqiiqo tahay in dowlada Mareykanka ay dooneyso soo afjarida dagaalka lagula jiro al-Shabaab’’

Dhinaca kale, Diini ayaa waxaa uu soo hadal qaaday saadka ay sheegtay mareykanka ay ka jarayso Somalia, isagoona sheegay in dhmaan aan la siinin ciidamada dowlada ,balse kaliya  la siiyo Ciidamada xooga dalka ee ku kala sugan Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Diini oo qeyla dhaan kasoo saaray Go’aanka uu Mareykanka ku jaray Saadka lasiiyo ciidamada DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this