Sign in to follow this  
Deeq A.

Aabaha dhalay mid ka mid ah ciyaartooyda Puntland oo difaacay wiilkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdulqaadir Yuusuf Ciise oo ah aabaha dhalay mid ka mid ah ciyaartooyda xulka Puntland Cabdulaahi Gacan ayaa cambaareeyay u jeediyay dad uu sheegay inay been abuur ka samaysteen wiilkiisa iyo qoyska laacib Cabdulaahi Gacan oo shalay laga sagootiyay magaalada Garowe si uu uga qeybgalo tartanka ka socda magaalada Muqdisho.

Aabe Cabdulqaadir Yuusuf Ciise ayaa u sheegay warbaahinta PUNTLAND POST inay jiraan dad ka faafinaya been abuur iyo dacaayado uusan u qalmin wiilkiisa Cabdulaahi Gacan oo ka mid ah laacibiinta ugu firfircoon xulka Puntland.

Wuxuu amaan u jeediyay shacabka reer Puntland oo uu ku tilmaamay kuwo jecel Qaranimada iyo Wanaaga, Isagoona taas bedelkeeda ugu baaqay xaalmarin dadka uu ku eedeeyay inay dacaayado ka faafiyeen sharafta wiilkiisa.

Ciyaartooy Cabdulaahi Gacan wuxuu ka mid ahaa laacibiin maalmihii u dambeeyay la hadal hayay in looga tagey Garowe, balse nasiib wanaag shalay u ambabaxay magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo tartanka maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir .

Daawo Aabaha Laacib Cabdulaahi Gacan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Aabaha dhalay mid ka mid ah ciyaartooyda Puntland oo difaacay wiilkiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this