Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Ka Hadlay Qaraxii Dugsiga Jeneraal Kaahiye

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed Sarreeye Gaas C/weli Jaamac Warsame ayaa ka hadlay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay barxadda dugsiga Tababarka ee Jeneraal Kaahiye.

Taliyaha ayaa ugu horreyn ka tacsiyadeeyay askartii ku dhimatay qaraxaasi, isaga oo Alle caafimaad uga baryey askartii kale ee ku dhaawacantay qaraxaasi.

Dhanka kale, taliye C/weli ayaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay marwalbo u feejigan yihiin si ay u sugaan amniga guud e dalka.

Qof soo xirtay jaakad walxaha qarxa ah ayaa isku qarxiyey barxadda dugsiga tababarka ee Jeneraal Kaahitye, waxaana halkaasi ku dhintey askat ka badan 10 iyadoo dhaawacna uu jiro.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this