Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo sheegay mas’uuliyada Qaraxii Maanta lala beegsaday Dugsiga Jen. Kaahiye

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG_1C3BB7-A68356-1B9E02-6EB322-EF7FF0-BMuqdisho (PP) ─ Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar Qarax ah oo lala beesaday maanta ciidamo ka tirsan Booliska Somalia oo isku diyaarinayay inay ku gaardiyaan gudaha dugsiga tababarka jeneraal Kaahiye ee Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.

Weerarkan ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 17-askari oo ka tirsan booliiska Soomaaliya, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan; waxaana qaraxan uu noqonayaa mid ka mid ah qaraxyadii ugu khasaaraha badnaa ee Muqdisho ka dhaca tan iyo markii xilka loo doortay Madaxweyne Farmaajo.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab oo lagu magacaabo, C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in weerarkaas uu fuliyay qof xirnaa jaakadaha Qarxa, isla markaana uu khasaare ba’an u geystay ciidammo xerada la weeraray ku suganaa.

Sidoo kale, Abuu-Muscab oo la hadlayay Reuters ayaa sheegay in weerarkan ay ku dileen 27  ruux oo isugu jiray askar iyo saraakiil ka tirsan booliiska Somalia, isla markaana uu weerarkan ka mid ahaa kuwa ay ku doonayaan inay dowladda hadda jirta ku curyaamiyaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in illaa 15 askari oo boolis ah ay ku dhimatay, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ruuxa weerarkan fuliyay ayaa iska soo dhigay askari, isagoo xirnaa dareyska ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Waxaana ciidamada Qaraxa lala beegsaday ay ahaayeen kuwo loo diyaarinayay inay ka qayb-qaataan Munaasabadda Maalinta Booliiska Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in xilliga weerarkan uu dhacayay ay isku diyaarinayeen ciidamadan la weeraray inay gaardiyaan, balse taasi ma dhicin oo waa la weeraray, laakiinse waxaa khasaaraha inta uu ka badan lahaa haddii uu dhici lahaa qarxan xilliga gaardiska lagu jiro, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan booliiska Somalia.

Ugu dabeyn, Weerarkan ay Al-shabaab sheegatay oo ka dhacay barxadda lagu tababarto ee Dugsiga Jeneraal Kaahiye, ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay isku diyaarinayeen ciidamada booliiska xuska maalintooda oo ku began 20-ka bishan December.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo sheegay mas’uuliyada Qaraxii Maanta lala beegsaday Dugsiga Jen. Kaahiye appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this