Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrin cusub: Khilaafka Guddoonka Aqalka Sare & Aqalka Hoose oo gaaray heerkii ugu sareeyay (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa si rasmi ah usoo ifbaxay khilaaf siyaasadeedka iyo midka awood qeybsi oo u dhexeeya Guddoonka Labada Gole ee Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia.

Khilaafka taagan ee soo ifbaxay ayaa waxaa markii ugu horeeyay daboolka ka qaaday Guddoonka Aqalka Sare oo tilmaamay inuu jiro is fahan daro ka taagan qaabka ay u wada shaqeyn lahaayen labada gole ee Aqalka Sare iyo kan hoose.

Khilaafka labada Gole ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay waxa uuna Guddoomiyaha Aqalka Sare  Cabdi Xaashi Cabdullaahi si rasmi ah u joojiyay shir la filaayay inuu ka qabsoomo magaalada Baydhabo kaa oo u furmi lahaa Guddoomiyeyaasha Golayaasha sharci dejinta ee maamul goboleedyada, isla markaana uu qaban qaabinayo Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare  Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka duulaaya isku dhex yaaca awoodaha shaqo ee labada Gole ayaa qoray Warqad uu ku hakinaayay shirka ka furmaaya magaalada Baydhabo, taa oo look ala diray dhammaan Hogaamiyayaasha Maamul goboleedyada, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada maamul goboleedyada, iyadoo la wargaliyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare  Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxa uu Warqada ku dalbaday in la joojiyo shirka lagu qaban doono magaalada Baydhabo, waxa uuna shirkaasi ku sheegay mid lagu burburinaayo Nidaamka Federaalka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare  Cabdi Xaashi, ayaa aaminay in Baarlamanaka hadda jira uusan garaneynin shaqooyinkiisa, isagoo u shaqeynaaya qaabkii uu u shaqeynaayay baarlamaanka 9aad ee wakhtigiisa dhamaaday.

Aqalka-Sare-1.jpg?resize=696%2C978&ssl=1Aqalka-Sare-2.jpg?resize=696%2C927&ssl=1

The post Arrin cusub: Khilaafka Guddoonka Aqalka Sare & Aqalka Hoose oo gaaray heerkii ugu sareeyay (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this