Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Mareykanka ku dhex leeyihiin Al-Shabaab oo gaaray heerkii ugu sareeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka danbeeyay dilka Horjoogihii hore ee maleeshiyada al-Shabaab Axmed Godane waxaa sii kordhaayay xubnaha sida dhow ula shqeya Sirdoonka Mareykanka ee ku dhex jira al-Shabaab.

Xubnahaan ayaa u badan kuwo xilal sar sare ka haya Hogaanka maleeshiyada al-Shabaab, waxaana la xaqiijinayaa inay ku jiraan rag caan ah oo Kooxda qeyb ka aasaasay.

Dadka ugu badan ee sida dhaw ula shaqeeya ayaa waxaa ku jira maleeshiyaadka Hubka wata oo iyagu si toosa xiriir ula leh Saldhigyada Mareykanka ee Somalia iyo Jabuuti.

Horjoogayaasha la tuhunsan yahay ayaa waxaa kamid ah Axmed Diiriye oo ugu sareeya maleeshiyada kaa oo saacado un ka hor xiliga duqeynta ka baxa goobaha la beegsanaayo, waxaana jira macluumaad muujinaaya in macluumaadka uu ku shubo Saldhiga Jabuuti.

Ilo Sirdoon oo ka kala tirsan Faransiiska, Britain iyo Ruushka ayaa carabaabay inuu jiro wada shaqeyn dhow oo ka dhexeeya Sirdoonka Mareykanka iyo qaar kamid ah Horjoogayaasha ugu sareeya al-Shabaab.

Qandaraaslihii hore ee Sirdoonka Mareykanka Edward Snowdenl, ayaa kamid ah dhinacyada sheegay inuu jiro xiriir Sirdoonka Mareykanka kala dhexeeya Hogaanka Sare ee al-Shabaab kuwaa oo macluumaadka la wadaaga Xarumaha Dhexe ee Sirdoonka Mareykanku leeyahay.

Edward Snowdenl, waxa uu tilmaamay in diyaaradaha Mareykanku ay beegsadaan keliya Saldhigyada ay ka howlgalaan argagixisada aan wada shaqeynta kala dhexeen ee suuragalinkara fashil ku imaada danaha gaarka ah ee Mareykanka kala dhexeeya qaar kamid ah xubnaha Hogaanka al-Shabaab.

Sawers  Karake, oo kamid ah Saraakiisha Sirdoonka Britain ayaa isna sheegay in xubnaha ay Sirdoonka Mareykanka ku dhex leeyihiin gudaha al-Shabaab lagu qiyaasi karo 5%, oo ay ku jiraan Horjoogayaal miisaan ku dhex leh Shabaabka.

Waxa uu tilmaamay in Mareykanku uu mar waliba cadow u arko keliya cida aan isaga la shaqeyn kana tirsan qeybaha argagixisada, waxa uuna intaa raaciyay inay sii kordhayaan Sirdoonka Mareykanka ee ka dhex shaqeeya al-Shabaab.

Sanadihii 2015 iyo 2016 ayuu sheegay in xubnaha Mareykanku ku dhex leeyahay al-Shabaab ay gaarayeen 3%, balse muddo sanada uu koror ku imaaday cadadka ay Sirdoonka Mareykanka ku dhex leeyihiin al-Shabaab.

Sidoo kale,  Sirdoonka Mareykanka ayaa la xaqiijiyay in shaqsiyaadka la shaqeeya aysan qudhooda la wadaagin talaabooyinka horyaal sida weerarada ay qaadayaan, Goobaha iyo cida ay ku wajahan yihiin ee la doonaayo.

Si kastaba ha ahaatee, weerarada ugu badan oo ay fulineyso diyaaradaha Mareykanka ayaan galaafan Horjoogaha ugu sareeya iyo shaqsiyaadka kale ee ka hoos shaqeeya kana tirsan Shabaabka, inkastoo beegsigooda uu kusoo beegmi doono xili laga maarmo shaqooyinka ay u hayaan Sirdoonka Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Sirdoonka Mareykanka ku dhex leeyihiin Al-Shabaab oo gaaray heerkii ugu sareeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this