Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Mukhtaar Roobow oo gaaray Kismaayo & Madaxtooyada Jubbaland oo laga dajiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiye ku-xigeenkii hore ee al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ‘’Abuu Mansuur’’, ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Mukhtaar Roobow, oo labadii asbuuc ee ugu danbeysay Safaro ku kala bixinaayay qeybo kamid ah Gobollada Bay iyo Bakool ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo.

Mukhtaar Roobow, waxaa safarka ku wehlinayay Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Somalia C/rashiid C/laahi Max’ed, waxaana magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland, qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan Odayaal, Haween iyo dhalinyaro.

Mas’uuliyiintan ayaan wax macluumaad ah ka bixin ujeedada safarka Mukhtaar Roobow, waxaana loo gelbiyay xarunta Madaxtooyada Jubaland.

Warar hoose ayaa sheegaya in ujeedka Socdaalka Roobow ee Kismaayo uu yahay wadatashi uu la qaadanayo Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo xili hore ay ka wada tirsanaayen Al-Shabaab.

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa hore uga tirsanaan jiray Al-shabaab, haseyeeshee horaantii bishii August ee sanadkan ayuu isu soo dhiibay dowladda, isaga oo isu soo dhiibay madaxda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, waxaa intaa kadib loo soo gudbiyay Muqdisho.

Dhinaca kale, Socdaalka Roobow ayaa qaadan doona muddo Seddex cisho ah, waxaana suuragal ah in mudada uu halkaa joogo ay Jubbaland isku dhiibaan maleeshiyaad hada dhow gaaray Gobolka Gedo.

Roobow-1-1.jpg?resize=528%2C614&ssl=1Roobow-2.jpg?resize=528%2C533&ssl=1

The post Sawirro: Mukhtaar Roobow oo gaaray Kismaayo & Madaxtooyada Jubbaland oo laga dajiyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this