Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka dhalatay hadal uu Abaanduulaha CX warbaahinta u mariyay Maamulka Sh/hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo Abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka Somalia Jeneraal C/laahi Cali Caanood shaaciyay inuu xiriir ka dhexeeyo mas’uuliyiinta maamulka G/Sh/Hoose iyo Alshabaab ayaa waxaa si kulul arrinkaa uga hadlay Gudoomiye ku xigeenka amniga Gobolka Shabellaha hoose Cali Nuure Maxamed.

Gudoomiye ku-xigeenka amniga Gobolka Shabellaha hoose Cali Nuure Maxamed, ayaa sheegay in Abaanduulaha ciidamada Xoogga uu u gafay mas’uuliyiinta maamulka.

Waxa uu sheegay in hadalka Abaanduulaha uusan u ekeyn canaan balse uu yahay meel ka dhac lagu sameeyay maamulka, waxa uuna beeniyay inuu jiro xiriir maamulka kala dhexeeya Al-Shabaab.

Waxa uu Gudoomiye ku-xigeenka amniga G/Sh/Hoose haddalka Abaanduulaha ku  tilmaamay mid aan waxba ka jirin, isla markaana la doonaayo in la cadeeyo asbaabaha keenay haddalkaas.

Mar uu ka hadlaayay eeda Abaanduulaha ayuu yiri ‘’Hadii ay jiraan xubno uu Abaanduulaha arkay iyaga oo Shabaab la xiriiraya inuu soo gudbiyo, balse aaney aheyn inuu Warbaahinta ka sheego wax malo ah’’

Sidoo kale, Gudoomiye ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Gobolka uusan ka socon dhaqdhaqaaq ciidan oo ciidamada Xoogga dalka Somaliya ay ku wajahayaan deeganada Shabaabka ay ka joogaan Gobolkaasi.

Dhinaca kale, Abaanduulaha ayuu ugu baaqay inuu la imaado cadeymo maadaama haddalkiisa uu ahaa mid culus oo danqinaaya maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Xiisad ka dhalatay hadal uu Abaanduulaha CX warbaahinta u mariyay Maamulka Sh/hoose appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this