Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuqaal:: Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo Weerar ku qaaday siyaasiyiinta Beesha Habargidir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan C/shakuur Cali Mire ayaa hadal kulul ka jeediyay furitaanka madal Soomaaliyeed oo ay ku haboobeen siyaasiyiin taabacsan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Isagoo ka hadlayay mucaaradnimada lagu hayo dowladda Farmaajo ayuu yiri: “8 Nin oo hal beel kasoo jeeda oo isku jufo ah ayaa wasiir soo doontay, mid ka mida ayaa wasiirkii helay, toddobadii kale bannaanka ayay taagan tahay dhagax ayay wataan, haddii midkood wasiirnimadii la siiyo Farmaajo Malaa’ik buu noqonayaa..” ayuu yiri C/shakuur Cali Mire oo si toos ah u weerarray siyaasiyiin beel qura kasoo jeeda.

Wuxuu intaas ku daray in C/raxmaan C/shakuur uu doorasho galay, lagana adkaaday balse uu sugi la’ yahay..”, isagoo sheegay inaan la diidaneyn mucaarad, basle waxa socda ay yihiin qabyaalad iyo dumis.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Muuqaal:: Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo Weerar ku qaaday siyaasiyiinta Beesha Habargidir appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this