Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoogaga Abuu Mansuur & Hubkooda oo lala damacsan yahay qorsho cusub (Muxuu yahay)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in maamulka uu darees gaara siinaayo Xoogaga daacada u ah wadaadka dhawaan kasoo goostay al-Shabaab Mukhtaar Roobow ‘’Abuu Mansuur’’.

Maamulka ayaa la xaqiijiyay inuu qorsheynaayo in Xoogaga Roobow uu si rasmi ah ula wareego kuwaa oo kor u dhaafaya 300 oo daacad u ah wadaadka.

Dareeska cusub ayaa looga gol leeyahay in Xoogagaasi aysan uga soocnaan kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo iyagu darees ahaan ka duwan kuwa dowlada.

Maamulka ayaa sidoo kale qabanqaabinaaya Guddi heer dowladeed oo gaara magaalada Xudur kuwaa oo la kulmi doona Saraakiisha hogaamineysa Xoogaga Mukhtaar Roobow si ay guddiga ula wadaagan macluumaadka iyo Hubka ay heystaan Xoogaga si loo kabo.

Sidoo kale, darees bixinta kadib waxaa Xoogagaasi lagu biirin doonaa ciidamada Maamulka iyagoo lasiin doono qoondo iyo xerooyin gaara.

Sidoo kale, Mukhtaar Roobow ayaa weli ku doodaaya in dowlada Somalia aysan faragalin Xoogagiisa, balse heshiiska ay la gashay DFS ayaa dhigaaya in la qarameeyo Xoogaga Daacada u ah Roobow iyo Gaadiidkooda.

Si kastaba ha ahaatee, Mukhtaar Roobow iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa wadahadal kula jiraa Horjoogayaal dhowr ah oo la doonaayo inay isku soo dhiiban dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Xoogaga Abuu Mansuur & Hubkooda oo lala damacsan yahay qorsho cusub (Muxuu yahay) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this