Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Ololaha warbaahinta ee lagu joojinayo gudniinka gabdhaha oo maanta lagusoo gabagabeynayo Garowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo maalmahaan Garowe ay socotay tababar looga hadlaayey dhibaatooyinka ay gudniinku u gaysto hablaha Soomaliyeed isla markaana la isaga kaashan lahaa sidii looga cirib tiri lahaa guud ahaan Soomaliya ayaa la isla gaaray in culumada iyo warbaahintu doorkooda ka ciyaaraan baahinta iyo gaarsiinta halku dhega ah jooji gudninka iyo jar jarida lagu hayo haweenka si looga baxo aafada ay keenta in gabadh jirkeeda la jar jaro.

Dood culus oo  laga yeeshay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Marwada Koowaad ee Puntland, Wasiirka Wasaaradda Haweenka, gudoonka xaquuqal aadaha Puntland, dhaqaatiir culamada, Weriyaal Hay’addaha Global Media, Ifraah Foundition oo iska kaashaday ollolahan la dagaalanka gudniinka.

Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Marian Ahmed Ali ayaa cod dheer ku sheegtay danta laga lee yahay doodan oo ah in la hello hal cod oo lagu midaysan yahay joojinta gudniinka Haweenka halka gudoomiyaha xaquuqal insaanka Puntland Maxamed Yuusuf uu dul istaagay qodobka fariinta u ah xaquuqda haweenka iyadoo madax hay’adda Ifrah Foundition ay fariin fartay culamada iyo warbaahinta si loo gaarsiiyo wacyigelinta joojinta gudniinka haweenka.

Marwada madaxweynaha Puntland Hodan Saciid oo ah safiir u qareenta joojinta tacadiga ka dhanka haweenka Soomalida ayaa xoojisay hadalka wasiirada, iyadoo bogaadisay doorka culmada iyo warbaahinta oo haatan xooga saaraya wacyigelinta gudniinka gabi ahaantiisa in la joojiyo.

13-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this