Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Gaadiid u socday al-Shabaab oo lagu qabtay dekadda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka helnay shaqaale ka howlgala Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay Gaadiid u socday maleeshiyaadka al-Shabaab.

Xogtaan ayaa tibaaxeysa in Gaadiidkaas ay ahaayen ilaa Seddex gaari nooca aanu xabada Karin oo ay isticmaalan Madaxda DFS.

Gaadiidkan ayaa la xaqiijiyay inay usoo dageen maleeshiyada al-Shabaab, balse laga warhelay, sida aan kasoo xiganay mid kamid ah shaqaalaha Dekadda.

Xogta aan helnay ayaa intaa kusii dareysan in mid kmaid ah Gaadiidkas ay ciidamada dowlada ku qabteen Suuqa Bakaaraha xili leysku dayay in lala baxsado.

Dowlada Somalia ayaa ku howlan baaritaanka kiiskan oo la sheegay inay ku lug leeyihiin Ganacsato si dhow ula shaqeysa al-Shabaab.

Sidoo kale, Dowlada Federaalka ayaa aad u adkeysay ganacsiga soo gala magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa laga soo dajiyo Dekadda.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaa horay ugu guuleysatay qabashada Hub u socday maleeshiyaadka al-Shabaab oo lagu qabtay Dekadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Xog: Gaadiid u socday al-Shabaab oo lagu qabtay dekadda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this