Sign in to follow this  
Deeq A.

Faduma oo ka shekeysay arrin fool xun ay kula keceen Shabaab iyo HIV laga helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Haweeney kasoo baxsatay Al-Shabaab ayaa ka sheekeysay sida loogu qasbay inay isticmaasho dawooyin daroogo ah isla markaana loogu galmood si adoonsi ah keynta Boni ee dalka Kenya.

Faduma “ma ahan ma ahan mageceeda saxda ah” waxa ay sheegtay iyada iyo haween kale oo la heystay in marar badan ay kufsadeen ugu yaraan 6 nin shantii sano ay heysteen Al-Shabaab.

Waxa ay sheegtay in si joogto ah loo goodi jiray in la dilayo gaar ahaan markii dagaalyahanada Shabaabka ah ay dagaal kala kulmaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia.

“Haweenka xerada jooga cunada ayay kariyaan dharkana wey u dhaqaan mitidiinta iyo howlaha kale ee ah waajibaadka guriga, dagaalyahanada had iyo jeer jir ahaan iyo galmo ahaan weyna fara xumeeyaan, qaar kamid ah mitidiinta weyna garaacaan hadii aysan jecleysan waxyaabaha aan u karino taas oo intabadan aniga igu dhacday iyadoo aanan aqoon karinta Canjeerada Somalida taasoo ay door bidi jireen mitidiinta” ayay tiri.

Faaduma oo kasoo baxsatay Mitidiinta sanad kahor ayaa saraakiisha ammaanka uga sheekeysay sida loogu qasbay inay isticmaalaan daawooyinka uurka looga hortago ama ay ilmaha iskaga soo ridaan marka ay uurka yeeshaan.

“Galmada iyo dhibaatooyinka jirka ayaa aad u darnaa markii maleeshiyaadka ay kasoo laabtaan dagaalada ay la galaan ciidamada AMISOM.

“Wey cabayaan waxana ay qaadanayaan dawooyin habeen iyo maalin, hadii ay u dabaal degayaan ama dilka ciidamo Somali ah ama AMISOM ama ay u baroor diiqayaan kuwo iyaga ka dhintay, waa markaas marka ay dhacaan kufsiyada” ayay tiri Faaduma iyadoo ilmeyneysa.

Kahortaga Uurka

Waxa ay shegtay inaysan xisaab lahayn inta mar ee la kufsaday laguna qasbay inay isticmaasho daawooyinka kahor taga uurka balse waxay Faaduma intaas ku dartay in haweenka la heysto ee guursaday taliyayaasha loo ogolaaday inay heystaan caruurta, waxaa jiray ku dhawaad 15 caruur ah oo ku sugnaa xerada ku taal keynta Boni”  ayay tiri Faaduma.

Waxay ku dhalatay Xaafada Majengo ee magaalada Nairobi, Faaduma oo ah hooyo heysata laba caruur ah ayaa sheegtay in arrintaan ay biloowday 7 sano kahor kadib markii ay kala tageen seygeedii ay isqabeen laba sano.

Rajo la’aan ah noloshana kali ku ah, Faaduma oo heerka 9-deedaad uga tagtay waxbarashada isla markaana leh 9 walaalo ah, waxay u baahneyd inay xanaaneyso labadeeda wiil, waxay ka shaqeyn jirtay dhaqidda dharka iyo howlaha kale ee guryaha ay dadka u qaban jirtay si ay u helaan nolol.

Wiil ay dhinaca hooyada dhalshada ku wadagaan oo magiciisa lagu soo gaabiyay Dogo kana soo jeeda Lamu ayaa ku dhiiri galiyay inay ku biirto Al-Shabaab isagoo u balan qaaday inay sameyneyso lacag fiican.

Si fudud ayay ku aqbashay qorshaha uu u soo bandhigay waxayna kula biirtay Lamu kadib markii ay labadeeda wiil ay kaga tagtay hooyadeed.

Balse tagitaankeeda xerada Al-Shabaab ee Somalia, wexey aad ula yaabtay in shaqadooyinkeedii ay ka fogyihiin waxa uu Dogo ku wargaliyay inay ahaanayaan.

Waxay ku sifeeysay nolol faraxumeyn ah maalin walbo iyo jirdil maskaxeed oo ka jira xerada Al-Shabaab.

Waxay tilmaamtay inay ahayd maxbuus intabadana lagu qasbi jiray inay isticmaasho Daroogo gaar ahaan nooca halista badan ee heroin, Marijuana iyo Rohypnol oo si guud ay sheegtay inay u isticmaalaan Al-Shabaab iyo sidoo kale Jaad.

“Haddii aad nasiib leedahay, taliye ayaa xaas kaa dhigan lahaa taasina waxay ka hortagi lahayd in maleeshiyaadka kale ay ku xoogaan, balse kuwa xaasaska laga dhigto waa Somali kaliya,” ayay tiri Faaduma.

Faaduma ayaa ka baxsatay xerada Al-Shabaab iyadoo caawin ka heleysa nin oday ah kadib markii dagaalyahanadii heystay ay dagaal la galeen ciidamada AMISOM.

Sadex kale oo saaxiibadeed ah oo lagu heystay xerada ayaa sidoo kale ka cabsaday inay baxsadaan.

Kadib maalmo ay isku qarineysay Duurka waxay doonyo usocday Kenya ka hor inta aysan xirin laamaha ammaanka Kenya kuwaas oo dib usii daayay kadib markii ay su’aalo weydiiyeen baaritaan caafimaadna marsiiyeen.

Sanad kadib laabashadeeda  Faduma ayaa si murugo loo ogaaday inay qabto HIV iminkana qaadaneysa daawooyin kahortag ah iyadoo sidoo kale laga dabiibayo cudurka Tiibishada.

Caafimaadkeeda ayaa ka dhigay xaalada dhaqaaleheeda mid xun.

Waxaa laga mamnuucay lagana dhex saaray bulshadeeda sababtana ma, ahan oo kaliya inay ku biirtay Al-Shabaab balse sidoo kale inay qabto cudurka HIV-ga.

Sida lagasoo xigtay saraakiisha laamaha ammaanka ee wax ka qabanaya shaqsiyaadka kasoo laabta Al-Shabaab, ayaa Bulshada intabadan kuwargaliyay inay iska ilaaliyaan xaasaska Al-Shabaab Carmalooyinka ama caruurta raga lagu tuhunsanyahay inay ku lug leeyihiin falal aragagixiso iyo sidoo kale haweenka u shaqeeya Al-Shabaab.

Halkaan ka aqriso warbixinta oo English ah oo uu qoray wargeys the Standar
Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

The post Faduma oo ka shekeysay arrin fool xun ay kula keceen Shabaab iyo HIV laga helay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this