Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo Xog dheeraad ah ka bixiyay duqeyntii ka dhacday deegaanka Mubaarak

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraala oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM, ayaa waxaa looga hadlay weerar cirka ah oo habbeen hore ka dhacay Degaanka Mubaarak ee G/Sh/Hoose.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaa uu ahaa mid lagu fashilinaayay khatar ay maleeshiyaadka al-Shabaab u wadeen dadka magaalada Muqdisho.

Waxaa qoraalka lagu cadeeyay in gaariga lagu duqeeyay Degaanka Mubaarak ee G/Sh/Hoose, uu ahaa mid lagu taageeraayay Ciidamada Isbahaysiga, loogana hortagey khatar ka dhan ah xasiloonida magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qoraalka Taliska AFRICOM waxaa meesha looga saaray in weerarkaasi uu khasaaro u gaystay dadka rayidka ah, wuxuuna ku hanjabay in Ciidanka Mareykanka ay sii wadi doonaan tallaabooyinka ugu haboon ee lagu sugayo amniga.

Nuqul kamid ah qoraalka ayaa ahaa “Ciidanka Mareykanka waxay sii wadi doonaan inay adeegsadaan tallaabooyinka ugu haboon ee lagu ilaalinayo ammaanka muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo xididada loo siibayo halista argagixisada.”

Waxaa intaa lagu daray “Waxaa sidoo kale qayb ka ah iskaashiga Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya, kuwaa oo ku mideysan hawlgalada ka hortagga argagixisada, laguna beegsanayo goobaha ay argagixisada ku tababartaan, meelaha ay ku dhuumaaleystan ee Soomaaliya iyo guud ahaanba gobolka.”

Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyada al-Shabaab ayaa beenisay in gaari caasi ah oo lagu duqeeyay Degaanka Mubaarak ee G/Sh/Hoose uu siday Qaraxyo, halka Taliska uu sheegay in la doonaayay in lagu fuliyo ismiidaamin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Mareykanka oo Xog dheeraad ah ka bixiyay duqeyntii ka dhacday deegaanka Mubaarak appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this