Deeq A. Posted December 13, 2017 Waxaa magaalada magaalada Istanbul ka furmaya shirka Ururka Iskaashiga Islaamka kaas oo loogu hiilinayo magaalada barakeysan ee Qudus. Shirka waxaa ka qeyb-galaya madaxda dunida muslimka, iyaga oo la filayo in ay ka jawaabaan goโaankii Trump uu ugu aqoonsaday Qudus Caasimadda Israโil. Ururkan oo ka kooban 57 dal ayaa horay goโaanka Trump ugu yeeray mid sharci-darro ah, waxaana shir degdeg ah isugu wacay guddoomiyaha xilligan ee ururkaย Recep Tayyip Erdogan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka mid ah madaxda shirka joogta, waana tilaabo la filayo in Soomaaliya ay ku cabirto carada ay ka qabto goโaankaas. Goobjoog News Source Share this post Link to post Share on other sites