Sign in to follow this  
Deeq A.

Isku Aadka Wareega 16-ka ee Champions League-ga oo la sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxaa goordhaweyd ka dhacay isku Aadka Wareega 16-ka tartanka kooxaha horyaalada QaaradaYurub ee UEFA Champions League-ga.

Kooxda difaacanaysa tartankan ee Real Madrid ayaa wajihi doonta kooxda lacagta badan lagu kharash gareeyay ee Paris Saint-Germain, halka Kooxda Chelsea ay markeedii Lixaad wareega16-ka ee tartankan la ciyaari doonto kooxda Barcelona.

Sidoo kooxda Juventust ayaa wajihi doonta kooxda reer Egland Tottenham, Manchester United ay iyana wajihi doonto kooxda reer Spain ee Sevilla.

Isku Aadka Wareega 16-ka ee tartanka Horyaalada Yurub ee Uefa Champions League ayaa la Ciyaari doonaa 13-ka ilaa iyo 14-ka bisha February 2018-ka.

Hoos ka akhriso isku Aadka Wareega 16- ee UEFA Champions League-ga oo dhameystiran.

Juventus iyo Tottenham

Basel iyo Manchester City

Porto iyo Liverpool

Sevilla iyo Manchester United

Real Madrid iyo Paris Saint-Germain

Skahtar Donestk iyo AS Roma

Chelsea iyo Barcelona

Bayern Munich iyo Besiktas

9.jpg?resize=600%2C399Champions-L.png?resize=602%2C753

1-12.jpg?resize=600%2C6002-10.jpg?resize=600%2C6003-8.jpg?resize=600%2C6004-7.jpg?resize=600%2C6005-6.jpg?resize=600%2C6006-2.jpg?resize=600%2C6007.jpg?resize=600%2C6008.jpg?resize=600%2C600

PUNTLAND POST

The post Isku Aadka Wareega 16-ka ee Champions League-ga oo la sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this