Sign in to follow this  
Deeq A.

Netanyahu oo baaq yaab leh oo ku saabsa Qudus u diray Falastiiniyiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Qudus (Caasimadda Online) – Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Qudus ay caasimad u ahayd Israa’iil 3,000 sano, aysanna caasimad u noqonin waligeed dad cid kale.

Wuxuu hadalkan jeediyay iyadoo bartanka lagaga jiro mudaaharaadyada ay Muslimiinta iyo Dunida Carabtu kaga soo horjeedaan go’aanka uu Maraykanku ku aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

Rabshado ayaa ka dhacay agagaarka safaaradda Maraykanka ee Lubnaan iyo goobo kaleba Axaddii.

Qudus laftirkeedana qof Falastiini ah ayaa lagu xiray ka dib markii uu toori galiyay si xunna u dhaawacay waardiye ku sugnaa goob magaalada bartankeeda ah oo basaska laga raaco.

Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in falastiiniyiinta haday aqbalaan Qudus inay caasimadd u tahay Irael waxay soo dadajineysaa arrintaas nabadgalyada.

Hadalkaani ayuu yiri ka dib markii kulan uu la qaatay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, waxaa uuna Netanyahu uu ku booriyay Macron in tallaabooyin geesinimo leh laga qaato falastiin.

Dhankiisa madaxweyanha Faransiiska ayaa sheegay in nabadgelyada Qudus ay ku jirto gacmaha hogaamiyeyaasha Falastiin iyo Israel aysana ku jirin gacanta Mareykanka.

Madaxweynaha Falastiin Maxamud Cabaas ayaa sheegay in go’aanka Trump ayuu yahay mid aan la aqbali karin.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com

The post Netanyahu oo baaq yaab leh oo ku saabsa Qudus u diray Falastiiniyiinta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this