Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin ku saabsan Shabaab oo gaadiid ku gubay Gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

 Baledweyne (Caasimadda Online) – Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa Gobolka Hiiraan, waxa ay ku gubeen gaadiid u rarnaa ganacsato Somaliyed, kuwaasi oo ka ambabaxay Magaalada Baledweyne, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maamulka Gobolkaasi.

Deegaanka Maroodile ee Gobolka HIiraan ayeey ku gubeen Shabaab gaadiidkaan oo siday raashin, una socday meelo kala duwan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo Gobolka Bakool.

Gaadiidka ay gubeen Shabaab ayaa tiradooda wuxuu gaaraya illaa lix gaari oo kuwa xamuulka ah, sida uu Warbaahinta u sheegay Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Baladweyne  Muxumed Cali Maxamuud.

Baabuurtaan oo u rarneyd ganacsato Somaliyed, ayaa raashin u waday deegaano ka tirsan Gobolada Baay, Bakool iyo Hiiraan, balse Shabaab ayaa dabkaasi qabadsiiyay.

Muxumed Cali Maxamuud Gudoomiye Ku xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen tallaabada Shabaab ay ku baabi’iyeen hantidaasi shacabka leeyihiin, wuxuuna xaqiijiyay gaadiidka ay gubeen inay ahaayeen lix baabuur.

Shabaab ayaa go’doomiyay deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool, mana ogola in halkaasi la geeyo raashin.

Gaadiidleyda ka hawlgasha Gobolka Hiiraan ayaa waxaa soo food saartay cabsi la xiriirta in gaadiidkooda ay gubaan Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

The post Faahfaahin ku saabsan Shabaab oo gaadiid ku gubay Gobolka Hiiraan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this