Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga doodayaa kulanka Xildhibaanada baarlamaanka ee maanta qabsoomi doona?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta lagu wadaa in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay yeeshan kulankooda caadiga ahaa kaa oo ka dhici doona Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Fariimo ay gudoonka baarlamaanka Somalia u direen Xildhibaanada ayaa waxaa lagu faray inay soo xaadiraan kulanka si looga doodo ajandaha kulanka.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah ka doodista miisaaniyada 2018, oo Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay maanta ka doodi doonaan.

Ka doodista ajendaha kadib ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaanada baarlamaanka ay ansixiyaan.

Sidoo kale, miisaaniyada dowladda ee 2018 ayaa ka badan tii Sanadkan sii dhamaanaya ee 2017, waxa ayna miisaaniyada intaa la eg noqoneysaa tii ugu horeysay miisaaniyada dowladda oo lagu soo daray miisaaniyada dhismaha Xarunta Akeedamiyada Fanka iyo Suugaanta.

Dhinaca kale, ansixinta miisaaniyada kadib dowlada Federaalka ayaa looga fadhiyaa inay qoondeyso bixinta miisaaniyadaas wallow aan la ogeyn qaabka ay u maareyn doonto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Maxaa looga doodayaa kulanka Xildhibaanada baarlamaanka ee maanta qabsoomi doona? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this