Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maamulk K/Galbeed oo soo bandhigay Hub ay ka qabsadeen Alshabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia ayaa soo bandhigay Hub dhowr ah oo la sheegay in lagu qabsaday dagaal ay ciidamada maamulka la galeen al-Shabaab.

Hubkan oo u badan AK47 ayaa waxaa lagu qabtay dagaal si gaara uga dhacay duleedka Degmada Buurhakabo ee Gobolka Baay, waxaana sidoo kale lagu dilay tiro al-Shabaab ah.

Hubka lasoo bandhigay ayaa waxaa la socday Booshash ay isticmaalayeen labo kamid ah maleeshiyaadka al-Shabaab, kuwaasi oo lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Buur Haybe ee duleedka Magaalada Buurhakabo.

Ibraahim Maxamed Ibraahim ‘’Leysaamow’’ oo ah Taliayah Ururka Degmada Buur Hakabo ee Gobolka Baay, ayaa warbaahinta u sheegay in Hubka uu intaa ka badan yahay balse ay fursad la sugayaan Saxaafada si ay usoo bandhigaan inta harsan.

Waxa uu intaa raaciyay in goobta uu ka dhacay dagaalka ay uga soo dhaqaajiyeen Meydad uu sheegay inaysan mudneyn in la aaso maadaama ay al-Shabaabku yihiin kuwo dhibaato ku haya shacabka.

Sarkaalkaan ayaa sheegay  in ciidamada ay si wadi doonaan hawlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, lana beegsan doono meel kasta oo Shabaab ay joogaan.

Buurhkaba.jpg?resize=696%2C392&ssl=1Buurhkaba-1.jpg?resize=696%2C392&ssl=1Buurhkaba-2.jpg?resize=696%2C392&ssl=1Buurhkaba-3.jpg?resize=696%2C392&ssl=1Buurhkaba-4.jpg?resize=696%2C392&ssl=1

The post Sawirro: Maamulk K/Galbeed oo soo bandhigay Hub ay ka qabsadeen Alshabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this