Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee xuquuqul insaanka oo soo bandhigay tirada dadkii sannadkaan lagu dilay Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa maanta Shaaciyay Warbixin sanadeed ku saabsan Waxyeeladda dadka Shacabka ah loo geystay Sanadkaan.

Warbixintaan ayaa waxaa soo saaray Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ku dhinteen 2078 Qof Sanadkaan.

Warbixintu waxaa ay xustay in khasaaraha faldamiyeed ee ka dhacay Soomaaliya guud ahaan uu gaarayo 4,585 kiis,kuwaas oo mas’uuliyaddooda dusha loogu kala saaray dhinacyada sidan soo socota:

60% ka mid ah waxa loo aaneeyay Alshabaab.
13% Maleeshiyaad.
11% dhinacyada Dowladda.
4% Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya.

Sidoo kale Warbiixinta ayaa falalkan waxaa ay ku diiwaan gelisay degaannada ay dadkani ku sugnaayeen waxaana Maamul Goboleedyada u kala heleen sidan:

Somaliland 208 Qof.

Puntland 413 Qof.

Galmudug 261 Qof.

Hirshabeelle 269 Qof.

Banaadir 2,265 Qof.

Koofur Galbeed 735 Qof.

Jubaland 434 Qof.

25158356_1942067759389716_61028542739726

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this