Sign in to follow this  
Deeq A.

Congesska Mareykanka oo ka hadlay weerarkii Bariire ee muranka badan dhaliyay (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerarkii dhawaan ka dhacay deegaanka Bariire ee qaababka kala duwan loo fasiray kaa oo la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab.

Weerarka oo ahaa mid dhacay wakhti aan munaasib aheyn ayaa waxa ay waaxda Difaaca Mareykanka sheegtay inuu ahaa mid lagu bartilmaameystay xubno qorsheynaayay weeraro ka dhan ahaa ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowlada ee ku sugnaa Bariire.

Ted Lieu oo ka tirsan xubnaha Congesska Mareykanka oo ka hadlaayay dhibaatada iyo wararka kala duwan ee ka dhashay weerarkii bariire ee lagu dilay Xubnaha Al-shabaab ayaa sheegay inay muhiim tahay in dib loogu laabto baaritaanka dadka lagu dilay weerarka Bariire.

Mr Ted Lieu, ayaa waaxda Difaaca ka dalbaday inay dib u muraajaceeyan kiiska Bariire iyadoo laga duulaayo xaqiiqda kiiska weerarkaas.

Ted Lieu, ayaa sheegay in Saraakiisha Waaxda Difaaca laga doonaayo in ay bilaabaan baaritaan cusub oo ku saabsan dadkii rayidka ah ee ay waxyeelado kasoo gaartay howlgallada ciidamada ay ka fuliyaan Soomaaliya gaar ahaan Bariire iyo goobaha kale.

Waxa uu Mr Ted Lieu, ku celcelshay in warbixin cad laga keeno toogashadii lagu dilay ilaa10-kii qof ee kamid ahaa dadka deegaanka ku ahaa Bariire marna la sheegay inay ahaayen Al-Shabaab weerar isku diyaarinaayay.

Waxa uu intaa raaciyay haddii ay dhacdo in warbixin cad laga keeni waayo kiiska toogashada 10ka qof ee Bariire uu howlgalka Mareykanka ee Afrika noqon doono mid guul dareystay.

Sidoo kale, waxaa baaqa Xildhibaanka ka jawaabay ku-simaha xog-hayaha difaaca siyaasadda Mareykanka David Trachtenberg, oo sheegay in uu gudbin doono wasaaraddiisa ayna bilaabi doonaan Baaritaano cusub.

Si kastaba ha ahaatee, kiiska dilka 10kii Maleeshiyo ee la sheegay inay ka tirsanaayen Al-Shabaab ayaa caqabad ku noqday howlgalka ciidamada Mareykanka ka jooga Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Congesska Mareykanka oo ka hadlay weerarkii Bariire ee muranka badan dhaliyay (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this