Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo soo saartay Dacwad ka dhan ah gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xiriirka kubada Cagta jubbland ayaa Soo saaray Dacwad ka dhan ah xulka kubada Cagta Gobolka Benaadir kadib Markii shalay Benaadir uu u Ciyaaray Ciyaaryahan Ajanabi ah oo u dhashay Kenya una Ciyaara mid kamida kooxaha Heerka kowaad ee Caasimada.

Dacwadaan ayaa timid kadib markii shalay muran la geliyay Jinsiyada Ciyaar yahan u Ciyaarayay xulka gobolka Banaadir tartanka Maamul Goboleedyada ee ka furmay Magaalada Muqdisho.

 Ciyaaryahaanka u Ciyaarayay Xulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu Magacaabaa Abdimajid Cusmaan Ibraahim “Xusni” waxaana baraha Bulshada dadka qaarkood ay ku shaacinayeen in uu yahay Kenyati.
24899905_1303173896454942_91523320821417
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com

The post Jubbaland oo soo saartay Dacwad ka dhan ah gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this