Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab hor leh oo gudaha u galay deegaano nabdoonaa oo hoostaga Galmudug (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in qeybo kamid ah deegaanada hoostaga maamulka ay galeen maleeshiyaad hor leh oo ka tirsan al-Shabaab.

Maleeshiyaadkan ayaa lasoo warinayaa inay wateen gaadiid dagaal, halka qaarna ay fara marnaayen, kuwaa oo baxsad ka ahaa diyaaradaha dagaalka ee duqeymaha geysta.

Maleeshiyaadka ugu badan ayaa la xaqiijiyay inay gudaha u galeen Magaalada Caabudwaaq kuwaa oo isku muuqaal ekeysiiyay qaabab cusub sida musaafuriin iyo kuwo faramaran.

Maleeshiyaadka hubeysan ee wata gaadiidka ayaa iyaguna la sheegay inay ku sugan yihiin deegaano duleedka ka ah Magaalada Caabudwaaq.

Dadka deegaanka oo arrintaan ka hadlaayay ayaa sheegay inaysan u dulqaadan doonin qulqulka maleeshiyaadka al-Shabaab isla markaana ay qaadi doonaan talaabo ay uga hortagayaan.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale maamulka ugu baaqay inay ka hortagaan al-Shabaabka baxsadka ah ee deegaanka ka dhiganaaya Magaalada Caabudwaaq iyo deegaanada hoostaga.

Arrintan ayaa imaaneysa xili boqolaal maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ay isaga baxeen Saldhigyo badan oo ay ku lahaayen Gobolada dalka sababo la xiriira walaaca duqeymaha.

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

Caasimada@live.com

The post Al-Shabaab hor leh oo gudaha u galay deegaano nabdoonaa oo hoostaga Galmudug (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this