Sign in to follow this  
Deeq A.

2 Al-shabaab Ah Oo Lagu Dilay Buurhakaba

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida uu Gooboog News u sheegay sarkaal ka tirsan maamulka Koonfur galbeed waxaa galabnimadii jimcaha weerar ay ku qaadeen deegaanno ay ku sugnaayeen xarakada Al-shabaab oo ku dhaw Buur-hakaba.

“Weerarka waxaa uu dhacay galabta, 2 qof ayaan ka dilnay, waxaan sidoo kale ka soo qaadanay qoryo, gaari iyo qalab kale” sidaasi waxaa Goobjoog News sarkaal ka tirsan madaxtooyada Koonfur Galbeed oo diiday in magaciisa la xuso.

Madaxweynaha Koonfur galbeed Sharif Xasan oo todobaadkii hore ka hadlay shirka amniga ee Muqdisho ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhibaato ku heyso deegaannadiisa isaga oo codsaday in dib loo dhigo bixitaan AMISOM.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this