Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Ka Qayb Galay ShirkaAmniga Qaranka oo Muqdisho Ka Furmay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. CabdiweliMaxamed Cali Gaas ayaa manta oo ay taariikhdu tahay 03 December 2017 kaqayb galay shirka Amniga Qaranka Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale kazoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Mahdi Maxamuud Guulleed Khadar.  Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, Masuuliyiin ka tirsangoleyaasha DFS, masuuliyiin ka tirsan dawladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Taliska Ciidamada Qalabka sida ee Dawladda Fadaraalka Soomaaliya.

Shirka Amniga qaranka ayaa looga hadlay arrimo la xidhiidha Amaanka, waddashaqaynta hay’addaha DFS iyo kuwa dawladdaha xubnaha ka ah DFS, cidhibtirka kooxaha argagixisada ah ee cadawgaSoomaaliyeed iyo qaabaynta guddifarsamo oo ka shaqeeya iskudhafka ciidamada qaranka.

Sidoo kale Shirka Amniga Qaranka ee manta furmay ayaa waxaa looga hadlay isku dhafka ciidamada qaranka, ajandaha shirkaMadaxda qaranka Soomaaliya iyo beesha caalamka ee 4 December 2017 ka furmidoona, kaas oo looga hadlayo arrimo khuseeya Amaanka.
Ugu danbayn, shirka u dhexeeya Madaxda qaranka Soomaliya iyo beesha caalamka ayaa waxaa looga arrisandoonaa arrimo la xidhiidha amniga Soomaaliya, isla markaana waxa ka qayb gelidoona madax ka socota beesha caalamka iyo Madaxda qaranka Soomaliyeed.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.unnamed-7-1.jpg?resize=1000%2C667 unnamed-8.jpg?resize=1000%2C667 unnamed-9.jpg?resize=1000%2C667 unnamed-10.jpg?resize=1000%2C667 unnamed-11.jpg?resize=1000%2C667 unnamed-12.jpg?resize=1000%2C667 unnamed-13.jpg?resize=1000%2C667 unnamed-14.jpg?resize=1000%2C667

 

 

 

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Ka Qayb Galay ShirkaAmniga Qaranka oo Muqdisho Ka Furmay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this