Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney Soomaalida aflagaadeyn jirtay oo laga tuuray liiska musharaxiinta barlamaanka Sweden.

Recommended Posts

Deeq A.   

hhhhhhhh.jpg

Amineh Kakabaveh oo ah haweeney asal ahaan kasoo jeedo dalka Iiraan, kana tirsan xisbiga Vänsterpartiet ee dalka Sweden, ayaa sanadkan laga tuuray liiska musharaxiinta baarlamaanka xisbigaas ee baarlamaanka Sweden.

Haweeneydan ayaa sanadkii 2014 kujirtay booska 4-aad ee musharaxiinta baarlamaanka xisbigaas ee magaalada Stocklom, balse sanadkan ayaan gabi ahaanba aan lagu soo darin liiska dadka u sharaxan kamid noqoshada baarlamaanka ee xisbigaas.

Haweeneydan ayaa sanadkii 2016-ka barteeda Facebooga soo dhigtay muuqaal been abuur ah, kaas oo Soomaalida lagu tilmaamayo inay yihiin tuugo iyo dad haweenka kufsada. Muuqaalka oo ahaa mid ay sameeyeen kooxda xagjirka midigta fog ah ee Nordic Youth, balse waxay ku dhajiyeen calaamada TV-ga qaranka Sweden ee SVT.

Xisbiga Vänsterpartiet ayaan qeexin sababta ay Haweeneydan uga tuureen liiska musharaxiinta, iyaga oo ka gaabsaday inay sharaxaad ka bixiyaan qaabka ay u qiimeeyaan qofka baarlamaaanka uga mid noqon kara iyo qofka kale.

Haweeneydan ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay inay iska weydo liiska musharaxiinta baarlamaanka, waxeyna ku dartay in taas ay gaf ku tahay shaqadii ay soo qabatay.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this