Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal ka socda duleedka Balcad kadib Ciidamo wadada loo galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimadda Online) – Dagaalkaan ayaa  yimid kadib markii Gaari Cabdi Bille ah oo ay Saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Wadada loo galay halka loo yaqaano Kiliga Faarax Gololeey  oo u dhow tuulada Isgoys ee duleedka degmada Balcad.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in gaariga Cabdi Bilaha ah oo ka yimid Muqdisho kuna sii jeeday Jowhar lagu dhuftay Qoraga loo yaqaano baasukaha isla markaana haatan uu gubanayo.

Gaadiidka dagaal oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Cabdi Bilaha ayaa la sheegay in lagu dhiftay baasuuke, waxaa la sheegayaa in gaariga uu ku gubanayo goobta lagu weeraray oo lagu magacaabo Haan-Sheekh.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad muddo socday uu dhex maray ciidamada Milateriga iyo dagaalamayaasha Shabaab ee jidka galay.

Weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas lama oga waxaana haatan ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda oo Gurmad halkaasi ku tegay iyo Al-Shabaab oo Wadada u galay halka loo yaqaano Kiliga Faarax Gololeey  oo u dhow tuulada Isgoys.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa dagaalkaas ka dhashay,waxana hadda Gudaha degmada Balcad laga maqlayaa jugta Culus ee dagaalka la isku adeegsanayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Dagaal ka socda duleedka Balcad kadib Ciidamo wadada loo galay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this