Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa diirada lagu saari doonaa shirka adag ee la filaayo inuu ka furmo Xarunta Xalane ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadlaayo xaaladda adag oo ay dhex maquureyso Somalia.

Qorshaha shirka ayaa ah inuu ka dhaco xarunta weyn ciidamada AMISOM ee Xalane, waxaana ka qeybgali doona qaar kamid ah wakiilada ka howlgala Somalia.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doona amniga Muqdisho, waxaana qeyb ka noqon doona Madaxda ugu sareysa Qaranka, Xildhibaano, Wasiiro iyo Madaxda maamul Goboleedyada oo qaarkood iminka soo gaaray Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa khudbado ku leh dhinacyada DFS u matali doona iyo Wakiilada lagu marti galiyay, waxaana bogaadiyay Madaxda Midowga Afrika.

Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in shirkan laga soo saari doono go’aamo dhanka amaanka ah oo ay isla gaari doonaan Madaxda Qaranka iyo kuwa maamulada ka jira dalka, kuwaa oo ku saleysnaan doona kuwo xal loogu raadinaayo magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Maxaa diirada lagu saari doonaa shirka adag ee la filaayo inuu ka furmo Xarunta Xalane ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this