Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Islow Oo Sheegay In Ay Is Soo Dhiibeen 54 Qof Oo Ka Tirsanaa Al-shabaab, Qaraxii Zoobe Kadib

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka amniga Gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa sheegay in dowladda ay isku soo dhiibeen 54 kamid ahaa dagaalyahannada Al-shabaab qaraxii Zoobe kadib, sidoo kalena ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen 63 kale.

Waxa uu sheegay wasiirka in mudadii uu xilkaasi hayey ay waxbadan isbedaleen, islamarkaana ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen wax ka qabashada amniga guud ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Islow ayaa sheegay in Muqdisho ay ka yareeyeen hubkii badnaa ee lagu dhex qaadanayey iyo sidoo kale ciidamada badan ee sugayey amniga mas’uuliyiinta.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay Wasiirka amniga iney kaalin wanaagsan  ka qaataan sugista amniga magaalada Muqdisho.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka wasiirka

http://goobjoog.com/wp-content/uploads/2017/12/Wasiirka-Amniga-Maxamed-Abuukar-Isloow-Ducaale.mp3

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this