Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo culeyska duqeynta saari doona 2 gobol oo halis ku ah xasiloonida Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Howlgalka Mareykanka ee Africa Gen. Thomas Waldhauser ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Mareykanka ay beegsan doonaan Gobolada ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku leeyihiin saldhigyada.

Gen. Thomas Waldhauser, waxa uu sheegay in mudada ka harsan sanadka cusub ay fulin doonaan dhowr weerar oo lagu beegsan doono Saldhigyo kooban oo muhiim ah, kuwaa oo ay degan yihiin Horjoogayaal sarsare oo ka tirsan Shabaab.

Waxa uu Gen. Thomas Waldhauser, farta ku goday inay xooga saari doonaan goobo cayiman oo ku yaalla Gobolada Shabellaha Hoose, Bari iyo Shabellaha Dhexe oo ay ku yaalan Saldhigyada ugu waaweyn.

Waxa uu cadeeyay inay ahmiyad gaara u arkaan in Somalia laga dhaliyo xasilooni maadaama la dhaafay xiligii laga saari lahaa dhibaatada, si shacabka Soomaaliyeed ay dib ugu midoobi lahaayen.

Wuxuu carab dhabay inay ka go’an tahay in Somalia laga tirtiro Xagjiriinta Al-Shabaab iyo Daacish, si dowlada Somalia ay u hesho nafis ay ku qabsan karto howlaheeda Qaran ee horyaal.

Gen. Thomas Waldhauser, ayaa sheegay in dowlada Mareykanku doonayso in dib u heshiisiin Qaran laga sameeyo Somalia si dowlada Somalia ay taageero buuxda uga hesho dhamaan dowladaha kale ee fursada u la’.

Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay duqeynaha cirka oo ay la beegsanayso fariisimaha iyo Xeryaha Al shabaab ay ku leeyihiin deeganada ay ka arrimiyaan tan iyo  markii Madaxweyne Donal Trump uu amray in la kordhiyo duqeymaha ka dhanka Al shabaab

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this