Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Mursal oo shaqadiisii ugu horeysay ka bilaabay Hanjabaad xili uu xaalku yahay mid xun

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Somalia Maxamed Mursal Sheekh, ayaa ku goodiyay in mudada uu xilka heyn doono uu dagaalo qaraaran la qaadan doono maleeshiyaadka al-Shabaab.

Waxa uu Wasiirka sheegay inay ka shaqeysiin doonaan dhammaan ciidamada u diiwaan gashan Wasaarada iyo kuwa iminka la diiwaan galin doono, ee doonaaya inay la dagaalamaan al-Shabaab.

Wasiir Maxamed Mursal, waxa uu tilmaamay in ciidamada Xoogga dalka ay soo afmeeri doonaan dhaqdhaqaaqyada al-shabaab, iyadoo laga shaqeysiin doono dhammaan Saraakiisha khibrada fog u leh xeeladaha dagaalka.

Waxa uu cadeeyay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan amniga iyo xasiloonida ka jirta dalka, hase ahaatee ay juhdi ku bixin doonaan soo afmeerida al-Shabaab.

Wasiir Maxamed Mursal, ayaa dhanka kale soo hadal qaaday Qorshaha Iskudhafka Ciidamada Qaranka waxa uuna sheegay in qorshahaasi uusan dalka caqabad ku noqon doonin.

‘’Wasaaradu wey dhiiri galin doontaa qorshaha isku dhafka ciidamada waxaana muujin doonaa kaalinteena ku aadan dhameystirka ciidamada isku dhafka’’

Dowlada Somlia ayaa qaati ka taagan maleeshiyaadka al-Shabaab oo weeraro joogta ah ku haya ciidamada iyo xarumaha ay ku suagn yihiin, waxa ayna tani muujineysaa calaamad ah in xaalku yahay mid weli xun.

Dhinaca kale, waxa uu ciidamada dowlada, gaar ahaan kuwa Militeriga ugu baaqay inay ka dhabeeyan hadafkooda xoreynta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this