Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii hore ee Yemen oo sheegay inay xiriir la yeelanayaan Isbahaysiga Sucuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii-hore-yemen-.jpg?resize=850Sanca (PP) ─ Madaxweynihii hore ee Yemen ahna Hoggaamiyaha ugu weyn kooxaha maamula Sanca oo ah xarunta dalkaas, Cali Cabdalla Saalax ayaa u sheegay Telefishinka ku yaalla dalkaas inuu doonayo inuu wadahadal la yeesho xulafada ay horkacayso Dowladda Saudi Arabia ee Taageeraya Dowladda itaalka daran ee dalkaas ka jirta.

Saalax ayaa shaaca ka rogay inuu diyaar u yahay in bog cusub la furo haddii isbahaysiga Sacuudigu horkacayo ay xannibaada ka qaadaan Waqooyiga Yemen, ayna joojiyaan Weerarrada ay ku hayaan.

Cali Cabdalla Saalax ayaa hadalkiisan kusoo beegay iyadoo maalintii afaraad uu dagaal culus ku dhexmarayo magaalada Sanca xoogag isaga daacad u ah iyo xoogagga Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan.

Bulshada Sanca ku nool ayaa xusay inuu socdo dagaal qaraar oo kooxaha dagaallamaya ay isku eryanayaan waddooyinka. Waxay kaloo sheegeen in qaraxyo laga maqlayo Koonfurta Sanca oo ay u badan yihiin taageerayaasha Saalax.

Dagaalka ayaa billwoday Arbacadii kaddib markii taageerayaasha Saalax ay ku eedeeyeen Xuutiyiinta inay jebiyeen dhismaha masjidka Magaalada ugu weyn.

“Waxaan ugu baaqayaa Walaalaheen deriska ah in ay joojiyaan Weerarrada ayna qaadaan xayiraadda, Annagana waxaan beddelaynaa bogga,” ayuu ku yiri Saalax hadal uu warbaahinta siiyay.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Yemen ayaa ku eedeeyay Xuutiyiinta inay weerar cad ay ku soo qaadeen xubnaha xisbiga General People’s Congress.

Dhanka kale, War kasoo baxay isbahaysiga ayaa lagu sheegay in go’aanka uu gaaray Cali Cabdalla Salax uu yahay mid horseedi kara rabitaanka dadka Yemen oo ah in laga xoreeyo maleeshiyaadka daacada u ah Iiraan.

Afhayeen isna u hadlay Xuutiyiinta Yemen ayaa ku tilmaamay warka kasoo yeeray Saalax inuu yahay afgambi uuna caddeystay inuu ka soo hor-jeedo isbahaysiga uu hore ula galay Xuutiyiinta.

Tiro ka badan 8,670 qof ayaa lagu diley halka 49,960 ay ku dhaawacmeen tan iyo markii isbahaysiga ay horkacayso Dowladda Sacudiga ay taageereen Madaxweyne Haaddi ayna soo farogeliyeen dagaaladii ka billowday Yemen sannadkii 2015-kii.

Ugu dambeyn, Xayiraada ay ku soo rogeen Yemen isbahaysiga Sacudiga uu hogaamiyo ayaa sidoo kale sababtay inay dad gaaraya 20.7million ay u baahdaan  kaalmo aadanimo waxaana sidoo kale cudurka daacuunka oo ka dilaacay wadankaas ugu geeriyooday dad gaaraya 2,211 ruux tan iyo bishii Abriil ee Sannadkaan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynihii hore ee Yemen oo sheegay inay xiriir la yeelanayaan Isbahaysiga Sucuudiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this