Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiisha Al-shabaab oo Baqo-carar ku Gaaray Deegaanno ka Tirsan Gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

150414185354-al-shabaab-super-tease.jpg?Muqdisho (PP) ─ Wararka laga helayo Gobolka Gedo ee Koonfurta Somalia ayaa sheegaya in xoogag badan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ay gaareen deegaanno ka tirsan Gobolkaas, iyadoo diyaarado dagaal oo joog hoose ku socda lagu arkayo deegaannadaas.

Xoogagga ka tirsan Al-shabaab ee gaaray Gobolka Gedo, ayaa la sheegay in ay gaarayaan ku dhawaad 2,000 oo wata gaadiidka dagaalka, waxaana tani dadka deegaanka ay ku dhalisay cabsi badan.

Sidoo kale, Wararka la helayo ayaa sheegaya in Deegaannada ay gaareen xoogagga Al-shabaab ay ka mid yihiin Ceel-cadde iyo kuwo kale oo hoos-taga degmada Garbahaarey oo leh dhul-buuraley ah.

Dagaalyahannada Al-shabaab oo ka yimid Gobolka Jubadda Dhexe, ayaa la sheegayaa inay wehliyaan Saraakiil sare, waxaana shacabka deegaanka isla dhex-marayaan inuu ku jiro hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Diiriye oo loo yaqaan Abuu-cubeyda.

Qaybo ka mid ah Gobolka Gedo ayaa leh dhul buuraley ah oo istiraatiiji ah, isla markaana lagu dhuuman karo. Balse illaa hadda lama sheegin duqeymo ka dhacay deegaannada lagu arkay xubnaha Al-shabaab ka tirsan.

Ugu dambeyn, Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa Toddobaadyadii lasoo dhaafay ka baxsanayay duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ka fuliyaan deegaanno ka tirsan Shabeellooyinka iyo Jubbooyinka.

PUNTLAND POST

The post Saraakiisha Al-shabaab oo Baqo-carar ku Gaaray Deegaanno ka Tirsan Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this