Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo cabsidii ugu weyneyd ku sugan iyo fursaddii ugu dambeysay ee lagu baabi’in lahaa oo taaggan!!

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa ku jira waqtigii ugu xumaa tan iyo markii Ururukaan la sameeyey kadib burburkii Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee ka curtay Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa bilooyinkii ugu dambeeyey la kulmayey ciqaabtii ugu adkeyd oo isugu jirtay duqeymo iyo dagaal toos ah oo dhanka Diyaaradaha ah.

Diyaaradaha dowladda Mareykanka oo kaashanayo Ciidamo ka tirsan Kumaandooska dowladda Soomaaliya ayaa dhawr weerar ku qaaday saldhigyo ay lahaayeen Ururka Al-Shabaab, iyadoo Mayrekanka uu sheegay inuu ku guuleystay burburina dhawr saldhig oo ay lahaayeen Ururkaan xiriirka tooska ah la leh Al-Qaacidda.

Ururka Al-Shabaab ayaa bilaabay inay isaga qaxaan meelihii ay ku sugnaayeen kadib markii la helay dhammaan aqbaaraadka ku saabsan meelaha ay ku dhuuntaan, waxayna hadda bilaabeen inay isticmaalaan xeelado cusub.

Madaxda ugu sareyso Ururka Al-Shabaab ayaa amar ku bixiyey in la badalo dhammaan saldhigyadii ay hore ugu lahaayeen qeybo kamid ah deegaanada Koonfur Galbeed kadib markii ay ku badatay duqeymaha.

Firxadka Ururka Al-Shabaab ayaa gaaray qeybo kamid ah Gobolada Dhexe kadib markii ay soo wajahday Cabsidii ugu weyned.

Deegaan u dhow Guriceel ayaa lagu arkay ku dhawaad 100 ka tirsan Ciidamada Al-Shabaab oo halkaas ka dhiganayo gabaad, waxayna ilaalinayaan Saraakiil ka tirsan Kooxdaas oo kasoo baxsaday duqeymaha Mareykanka.

Wararka naga soo gaarayo Gobalka Gedo gaar ahaan duleedka Garbahaarey ee xarunta Gobalka ayaa soo sheegaya maanta diyaaro dagaal lagu arkay Goobihii ay gaareyn Ciidamada Al-Shabaab iyo hogaamiyahooda Axmed Diiriye.

Diyaaradahaan dagaalka ee maanta lagu arkay duleedka Garbahaarey ayaa la ogeyn dalka laga leeyahay waxaana saraakiisha Dowladda ee aan la xariirnay ay sheegeyn in ay faah faahin ka bixin doonaan markii ay helaan xog dhameestiran.

Al-shabaab ayaa ku jira xaalad cabsi ah waxa ayna ka cararayaan duqeymaha dhinaca cirka ah oo ay ku waayeen Ciidan badan iyo saraakiil muhiim u ahaa kuwaas oo ku sugnaa Koonfurta Soomaaliya.

Siyaasiyiinta Falanqeeyo Siyaasadda ayaa sheegayo inay Shabaab hadda ku jiraan xaaladdii ugu xumeyd tan iyo markii ururkaas la aasaasay, isla markaasna ay soo fuushay culeyskii ugu weynaa, waxayna sheegayaan inay fursadaan tahay middii ugu dambeysay oo Al-Shabaab lagu baabi’in lahaa haddii ay sii socoto duqeymaha iyo dagaalada lagu beegsanayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this